U bood nuxurka

Talk:Bogga Hore

Nuxurka bogan laguma taageero luqado kale.
Hadal ku dar
Laga soo xigtay Wikipedia, Insaykalobeedhiya xorta ah
Fiira gaar ah uyeelo!
Boggaan waxaa loogu talagalay wadahadalka ku saabsan Bogga Hore. Fadlan ha'ku qorin qoraallo kale hadii ay jirto fikir ama waxa kale, Kusoo bandhig Goob.
Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah ee qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 14,175 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka
Link la'aan
Link=Wikipedia:Maqaallo Xul Ah Maqaal Xul ah
Caasimadad ku taala Tegsas, Maraykanka
Caasimadad ku taala Tegsas, Maraykanka

Dallas (/ˈdæləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.

Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.

Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan. Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago).

Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500" Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.

Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta. (SII AQRI)

Link la'aan
Link=Wikipedia:Maqaallo Fiican Maqaal Fiican
Link la'aan
Link= Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Link la'aan
Link= Waa maxaay Wikipedia ?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Link la'aan
Link=Wikipedia:Hooyga Hooyga Wikiga

Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z

Link la'aan
Ma Ogtahay...

Taxane (Ingriis: Matrix) (Talyaani: Matrice) (Carabi: مصفوفة) jamac Taxaneyaal waxay waxtar joogta ah u leedahay furfurista habdhiska isle'egyada toosan. Taxanayaalka siyaale kale oo badan waa loogu shaqaysan karaa:

Taxane waa teed laydi oo ka kooban m dhinactax iyo n joogtax oo tirooyin maangal ah. Taxane waxaa aalaaba lagu muujiyaa tibixda m × n (loo akhriyo "ma, na") m waxay utaagan tahay inta dhinactax ee taxanuhu leeyahay, n waxay utaagantahay inta jogtax ee taxanuhu leeyahay. Haddii m = n, taxanaha waxaa la yiraahdaa taxane labajibbaarane ah. Taxne waxaa lagu dhex xirtaa laba bilood ama laba sakal.

Tusaalooyinka soo socda waa taxanayaal:

𝐛)=[231] 3×1

b. Taxane 3-dhinactax 1-joogtax ah

𝐭)=[2430] 2×2

t. Taxane 2-dhinactax 2-joogtax.


𝐣)=[9804] 1×4

j. Taxane 1-dhinactax 4-joogtax ah.

𝐱)=[98671273]

x. Taxane 2-dhinactax 4-joogtax ah.

Taxanihii hal dhinactax kaliya leh waxaa la yiraa Taxane dhinactax markuu hal joogtax kaliyana waxaa la yiraa Taxane joogtax. Ku jirayaalka mid ka mid ah waxaa la yiraa kutiirsanayaal. Taxanaha waxaa lagu magacaabaa xaraf weyn, sida B, T, J iwm. Ama sumadda B m×n, taasoo u taagnaan karta taxana kasta oo leh m-dhinactax n-joogtax. Hoos dhigga (muujiyaha) m×n wuxuu u taaganyahay aaddimaha ama ama heerka taxanaha.

Inta kutiirsan ee taxanuhu leeyahay waxaa lagu helaa m oo lagu dhuftay n. Haddaba hadaan u noqonno tusaalaha kor ku xusan, waxaan aragnaa in: taxanaha (b) uu leeyahay addimo ah: 3×1; kan (t) 2×2; kan (j) 1×4; kan (x) uu leeyahay 2×4 sidaas oo kale taxanihii ah heerka m×n wuxuu ka kooban yahay taxanayaal ah m-dhinactax iyo taxanayaal ah n-joogtax.

Taxabaha : B2×3 waa hubaal in B2×3 uu leeyahay 2 × 3 = 6 kutiirsanayaal.

B2×3B=[b1b2b3t1t2t3] B waxay leedahay laba taxane dhinactax oo ah B=[(b1b2b3)] iyo T=[(t1t2t3)] iyo saddex taxane oo ah joogtax


𝐁=(b1t1). :𝐁=(b2t2)iyo :𝐁=(b3t3).


Si ballaaran taxanayaalka waxaa loo isticmaalaa jabayto qoridda sidaan soo socota. Tusaale:

Taxana guud ee heerka 2×3 waxaa loo qori karaa (a11a12a13a21a22a23)

Taxana guud ee heerka m × n waxaa loo qori karaa

𝐀=[a11a12⋯a1na21a22⋯a2n⋮⋮⋱⋮am1am2⋯amn].

Waxaa loo soo gaabiyaa (a i j) marka i = (0,1,2,...m) j = (1,2,3,...n) ereyada kale ee taxanayaasha

Taxane maran. Hadii tanayaal kutiirsanayaalkiisu dhammaan yihiin, eber, taxanahaas waxaa la yiraa tanaxane maran ama taxane eber waxaa lagu asteeyaa 0 m × n.

Melmel taxane. Meelmeelka taxane B loono qoro B"" (u akhri "meelmeel B") waa taxane cusub oo ka yimid, B oo dhinactaxyadeeda la isku bedelay.

Isle'ekaanshaha taxanayaal. Laba taxane B iyo T oo isla aaddimo ah waa isle'egyihiin hadii iyo hadii qura oo kutiirsanayaashoodu isku beegani isle'egyihiin.

MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan

|-

Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...

Link la'aan
Link= Sawirka Maanta

Cinjo .

Cinjo .

Link= Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Link la'aan
Link= Waxaa La Yiri
 

Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe *** Saddex ayaa jirta Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.

Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. *** Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. 


Wiki – Oraah Kale

Link la'aan
Link= Oraahda Saxda ah
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka
Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG
maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin

Wikit – Fiira gaar ah ee kale

Mashaariic Bah-wadaag la ah
Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
WikiQaamuus
Qaamuus
Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Wikispecies
Lajien luettelo
Wikinews
Warrarka
Commons
Feylasha guud
Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.

ar: en: de: fr: it: nl: es: ru: pl: ja: sv: pt: zh: vi: uk: ca: no: fi: fa: cs: hu: ko: ro: id: tr: kk: ms: sk: sr: ceb: eo: da: lt: eu: bg: he: sl: hr: vo: war: et:

Bilow dood ku saabsan Bogga Hore

Bilow dood