Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta
Dallas (/ˈdæləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.
Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.
Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan. Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago).
Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500" Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.
Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...
- ... in bakteriyadu yihiin unugyo
(Sawirka) nool oo yaryar oo ku nool meelo badan oo adduunka ka mid ah, oo qaarkood sababi kara cudurro halis ah?
- ... in qaar ka mid ah noocyada bakteeriyada ay ka qayb qaataan dheef-shiid kiimikaad muhiim u ah dadka iyo xayawaanka?
- ... in bakteeriyada Lactobacillus, oo laga helo caanaha la faakiyey iyo cuntooyinka kale ee probiotic, ay ka caawiso dheefshiidka caafimaad qabta?
- ... in bakteeriyada Escherichia coli, oo badanaa ku nool mindhicirka bini'aadamka, ay ku jirto qaarkood oo keeni kara infekshanno halis ah?
- ... in bakteeriyada loo isticmaalo sayniska iyo tiknoolajiyada, sida samaynta antibiyootikada iyo daawooyinka cusub?
- ... in bakteeriyada qaar ay awood u leeyihiin inay u adkeystaan antibiyootikada, taasoo ka dhigaysa daaweynta cudurradooda mid adag?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan
Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ey yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay deegaanka Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeystay aqoontiisa barashada Qur'aanka isagoo da' yar. Muddo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaaray shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab. Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqday koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada. 1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dawladdii uu horkacaaye Cabdullaahi Ciise. Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. waxa uu noqday janaraaldaauud taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soomara ee maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xusuustaa janaraal daa'uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheeraa xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal, j macamed faarax caaydiid, col c/laahi yuusuf axmed, j c/raxmaan mujrim, j/ c/raxmaan siigeeyste, j/ maxamed liiqliiqato )) iyo in badan oo kale. sidoo kale wuxuu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muushe ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka faa'iideen aqoontiisa. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Cinjo .
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo